Wararka soomaaliya

Search News


Categories



Maraakiibta dagaalka ee Nato oo maalmo gudahood uga hawl gelaya biyaha Soomaaliya.
Published on October 23, 2008 Email To Friend    Print Version
Sida ay ku waramayaan waraka ka imaanaya magaalada Brusseles ee dalka Belgium Nato maraakiibteeda dagaalka ee ay u soo direyso dalka Soomaaliya ayaa bilaabaya hawlgalo ka dhan ah afduubka iyo qafaalashada ka jirta xeebaha Soomaaliya taasoo bilaabanaysa sida ay Nato sheegtay maalmo yar gudahood.

Afhayeen u hadlay Nato oo lagu magacaab James Appathurai ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka ee isbahaysiga ay hawshoodu tahay in ay ka ilaaliyaan burcadda badda maraakiibta sida sahadyda gargaarka ee qaramada midoobay ugu tala gashay dadka ku dhibaataysan dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sii jeeda dekedda magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka imaanaya sida uu sheegay afhayeenku dalalka Kenya iyo Southafrica. 
 
waxay sidoo kale gaar ka qaban doonaan maraakiibta ku safraysa meelaha ku dhow xeebaha dalka soomaaliya.
 
Maraakiib ka badan 20,000 ayaa aalaaba ku safra biyaha gacanka Carabta kaasoo muhiim u ah isku xirka badweynta Hindiya iyo tan Mediterraneanka.
 

Maraakiibta dagaalka ee Nato ayaa sida uu sheegay
James Appathurai
Weerarada lagu qaado maraakiibta ku safarta biyaha caalamiga gaar ahaan kuwa xadka la leh Soomaaliya ayaa ahaa maalmihii ugu dambeeyey kuwa sare u sii kacayey, waxana dhacay sida la sheegayo ilaa 74 weerar tan iyo sanadii 2000. 

    

www.somalikudhan.com news page.
 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *